Duhurnimadii Maanta ayaa rag ku hubeysnaa Bustoolado waxa ay Bartamaha Magaalada Boosaaso ku toogteen laba Askari oo ka mid ah kuwa Cabshuurta qaada ee Maamulka Puntland.
Raggii ka dambeeyay dilka labada Askari ayaa Goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dadka Boosaaso,waxaana dilka Askartaas masuuliyadeeda sheegtay Al-Shabaab.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dilka Askartaas ay iyagu ka dambeeyen isla markaana ay sii beegsan doonaan Ciidamada Puntland.
Weli Puntland dhankooda kama hadlin weerarka lagu dilay Ciidamada ka tirsan waaxda Canshuuraha dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso puntland.