Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Dagaalamayaal Al-Shabaab oo aad u hubeysan ay Khudbad Diini ah ka jeediyeen Masjidka lagu magacaabo Komor Xayle oo ku yaalla Degmadda Mandhera oo u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
Dagaalamyaasha ayaa la sheegay inay Masjidka taageen 10-kii Fiidnimo ee Habeenkii Khamiista, waxaynahalkaasi joogeen dhowr saacadood, iyadoo Masjidka isaga tegay 2-dii habeenimo ee Jimcihii shalay.
Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska Kenya oo ku sugan Deegaankaasi ayaa xaqiijiyey in 10 dagaalyahano Alshabaab oo aad u hubeysan ka soo gudbeen Xuduudka Somalia, kadibna ay galeen Masjid ku yaalla Bartamaha Deegaanka Faafi Khudbado Diini ah ka jeediyeen muddo 3-sacadood.
Waxa uu tilmamaay inay dadka weydiiyeen halka ay ku yaallaan Xarunta Maamulka, Xarumaha Ciiddanka Ammaanka ee iyo kuwa Ciiddanka Kaydka ee ku sugan Deegaankaasi.