Shalay Gelinkii dambe deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo waxaa isaga baxay Ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah kuwa Amisom oo mudo dhoer sano ah Gacanta ku hayay.
War ay ku soo qoreen Baraha Internet-ka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in deegaanka Tarako ay sinabad ah kula wareegeen kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Kenya.
Al-Shabaab faah faahin intaasi ka dheer kama bixin la wareegitaanka deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo.
Dhanka kale qaar ka mid ah Bulshada deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in haatan deegaanka ay ku sugan yihiin kadib markii shalay Gelinkii dambe ay ka war heleen ciidamada Kenya oo ka baxaya deegaankooda.
Sikastaba Ciidamada Kenya ayaa horantii bishaan waxa ay sidoo kale baneeyeen fariisinkii ugu weeynaa ee degmada Baardheere iyada oo weli Saraakiisha Ciidamada Kenya aysan cadeyn sababta ka dambeysa bixitaanadaas.