Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan wadada xeebta ee isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kadib markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April.
Ciidamadii ka tirsanaa kuwa Xooga dalka eek u sugnaa deegaanka Dhanaane ayaa shalay gelinkii dambe isaga baxay difaacyadii halkaas ay ku lahaayeen,isla markaana waxaa la wareegay Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka ay dhowr jiho ka soo galeen deegaanka,iyagoona fariisimo ka sameeystay.
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ay dhanaane uga baxeen Mushaar la’aan la sheegay inay heysay Bilooyinkii ugu dambeeyay,iyagoo muddo ku dhow afar bilood aysan helin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.