Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda oo ku sugnaa.
Ciidamada ayaa la sheegay inay isaga baxeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Ceel-Geeloow oo ku yaalla inta u dhexeeya Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa la tilmaamay inay u soo dhaqaaqeen dhanka Magaalada Muqdisho,iyaga oo watay gaadiidka nooca dagaalka ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Geeloow oo kaabiga ku haya deegaanka Qalimoow ee Sh/dhexe.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa ku sheegeen inay qabadeen deegaanka Ceel-Geeloow,kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Hirshabeelle oo ku aadan wararka sheegaya in Al-shabaab ay qabsadeen deegaan ka tirsan Sh/Dhexe.