Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab saakay halkaas uu ka dhacay.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Farlibaax oo qiyaas ahaan 45 KM u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, waxaana la sheegay in dagaalka uu socday muddo kooban.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka kadib, Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Farlibaax, isla markaana waxaa halkaas isaga baxay Ciidankii dowladda Federaalka ee ku suganaa.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Al-shabaab ay goob fagaaro oo ku taalla deegaanka Farlibaax ay dadka deegaanka isugu keeneen, iyagoona la sheegay inay Khudbad u jeediyeen.
Ilaa iyo hada lama oga halka ay u ruuqaansadeen Ciidankii dowladda ee ku sugna deegaanka Farlibaax oo 45 KM u jira Magaalada Baladweyne, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka oo ku aadan ka bixitaankooda halkaas.