Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay deegaan ka tirsan Gobolkaasi ku gubeen Gadiid siday Shixnad Ganacsi oo ay laahayeen Ganacsato.
Gaadiidkan ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Baladweyne isla markaana ay u socdeen gobolka Bakool balse Wadada ay u galeen Al-Shabaab xili ay marayeen deegaanka Maroodile ayna Gubeen ilaa Lix gaari sida ay sheegeen Maamulka Gobolka Hiiraan.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Magaalada Baladweyne Muxumad Cali Maxamed ayaa Dalsan u sheegay in Gaadiidka ay gubeen ay ahaayeen lix Gaadiid ah oo ah nooca Xamuulka qaada.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dhammaan dadkii saarnaa Gawaaridaas ay badbaaden kadib markii ay u soo gurmadeen dad ku sugnaa deegaanka Maroodile oo ah halka uu falka ka dhacay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Baladweyne.