Waxaa Gelinkii dambe ee maanta Al-Shabaab fagaaro ku yaalla degmada jilib ee gobolka jubbada dhexe xukun dil ah ay fuliyeen Saddex ruux oo haweeney ay ku jirtay.
Saddexda Ruux ay Al-Shabaab ku toogteen degmada jilib ayaa mid ka mid ah waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Abshir oo 31 jir ahaa,waxaana ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inuu horey u dilay nin kale oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Raxmaan Cabdi Warsame.
Sidoo kale waxaa Al-Shabaab Galabta toogasho ku fuliyeen laba ruux oo kale oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd,iyaga oo sheegay in ay ka mid ahaayeen Ciidamada Jubbaland,isla markaana ay ku qabteyn weerarkii bishii hore ku qaadeen deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukuno noocan oo kale ah balse tiro dhowr jeer ayaa waxa ay deegaano badan oo dalka ah ay ka fuliyeen Xukuno kala duwan.