Waxaa xoogeysanaya askareynta carrruurta yaryar ee kooxda Alshabaab & sida ay maskax ahaan u qiyaamaynayaan dhalinyarada iyaga oo arrimo diin ugu hoos dhuumanaya . Dalsan Media oo booqatey dugsiga lagu tiiraanya bixiyo dhalinyarada ka soo goosata fikirka xagjirnimada ah ee kooxda Alshabaab ee Sarindi ayaan waxaan ku aragnay dhalinyaro d’adoodu aad u yartahay .
Waxay ka sheekeeyeen xaaladihii adkaa ee ay soo mareen & sida loo marin habaabiyay iyaga oo laga dhaadhiciyay inay jannada galayaan haddii ay dilaan gaalada & gaalo raaca wax loogu sheegay . Arinta aan aadka ula yaabay ka Ikraan ahaan waxay ahayd markii aan arkey dhalinyaro 15 jiro ah oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo qaarkood lagu amrey iney soo dilaan waalidkooda sida Hooyadood & Aabayaashood .
Waa wax aan suuragal ahayn laakiin iyaga waxaa loo sheegay in haddii sidaas ay sameeyaan ay caddaanayso in aan looga cabsi qabin iney qiyaameeyaan haykalka shaqo ee ururka argagixiso ee Alshabaab . Dhammaan dhalinyarada aan wareystay waxay ii sheegeen in laga dhadhiciyay in haddii ay dhintaan iyagoo kooxda u dagaalamaya ay janada geliyaan islamarkaasna ay guursan doonaan gabdho qurux badan oo aan u dhigmin kuwa ay ku arkaan adduunka .
Waa xeelad maskax dhaqis ah balse Alshabaab u suuragashay dhowr jeer iney ku qaldaan dhalinyarada aan lahayn garaad ka celiya dhagarta argagixisada .
Waxaa looga guuleysan karaa in laga hortago arintan iyadoo sare loo qaadayo wacyigelinta dhalinyarada . Dowlada waxaa la gudboon iney mudnaan gaar ah siiso dhalinyarada islamarkaasna ay hirgeliso xarumo xirfado lagu baro da’yarta sidoo kalena la suurageliyo jawi shaqo .
Hadda waxaa ku jirta Sarindi in ka badan 400 oo dhammaantood ah dhalinyaro da’doodu ka hooseyso 18 sano waxayna tani ku tuseysaa in Alshabaab ay dhalinyaradu u isticmaaleyso sida dhuxushii oo kale .
Ikraan Ali Hashi /Dalsan .