Wararka naga soo gaaraya gobolka gedo aaya waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Caawa sinabad ah kula wareegeen degmadCeelwaaq,kadib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in mar kaliya ay ka war heleen Shabaab hubeysan oo gudaha u soo galaya Magaalada Kuwaasoo wata Hub fara badan iyo Gaadiid dagaal, iyadoo baqdin ay ku abuurtay arintaas dadka deegaanka oo xiligaas isu diyaarinayay Taraawiixda, waxeyna Magaalda galeen xiligii Afurka.
Wararka ayaa waxa ay inatasi ku darayaan in ciidamadii dowladda ay aadeen dhanka Xaduudka ay degmada Ceelwaaq la wadaagto dalka Kenya,halkaas oo saldhiga ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa
Shabaabka Magaalada galay ayaa dadka deegaanka kula hadlay Masaajida waxeyna usheegeen ineysan meell fog jirin, lagana dheeraado xarumaha Ciidamada iyo la shaqeyntooda sida ay Dalsan u sheegeen dad diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeEgsado qalabka Warabahinta.
Qabshada degmada ceelwaaw ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay kusoo aadeysa xilli xalay Degamda Baardheere ay weerar xooggan ku qaaden dagaalamayaasha Al-Shabaab wallow saraakiisha ciidamu ay sheegeen in ay iska difaaceen.