28,kii Bishii la soo dhaafay ee Octoper xili Galab ah waxaa weerar qarax ku bilaawday lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne weerarkaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Masuuliyadiisa weerarkaas waxaa durba sheegtay Al-Shabaab oo sheegay in ay ku dileen 70 Ruux oo isugu jira Masuuliyiin iyo Saraakiil intaba in kastoo Dowladda Soomaaliya ay shaacisay tirada dhimashada 23 Ruux.
Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku soo bandhigeen Magaca Mid ka mid ah Raggii fuliyay weerarkaas.
Warka ay soo saareen Al-Shabaab ayaa waxaay ku sheegeen in dadkii weerarkaas fuliyay uu ka mid ahaa Nin Magaciisa lagu sheegay Xuseen Rukow Maadeey gudaha Al-Shabaabna looga yaqaano (Carab), iyaga oo sheegay in uu waday mid ka mid ah Gawaaridii lagu weeraray dhismaha Hotelka Naasa-Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.
Al-Shabaab faah faahin intaas dheer siima shaacin ee ku aadan weerarkaas ay horaantii todobadkaan ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2.