Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa ay goob fagaare ah ku toogteen afar ruux oo ay ku eedeyeen in ay la sheaqynayeen dowlado shisheeye, waxaana lagu toogtay fageere ku yaalla degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Maxkamad ay leeyihiin Al-shabaab ayaa xukun ku ridday raggaan, waxaaana sida ay sheegeen Al-shabaab ay ragga ay toogteen la shaqaynayeen dowladda Soomaaliya. Maraykanka iyo sidoo kale itoobiya.
Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:
1- Diini C/Qaadir Maaxamed oo ay ku eedeyeen in uu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka
2- Ciise Cismaan Geelle  oo si gaar ah ay dagaalamayaasha Al-shabaab ugu eedeyen in ka mid ah sirdoonka Itoobiya .
3- Aadan Xasan Max’med waxaa ay sheegeen in uu ka mid ah sirdoonka dowladda Soomaaliya.
4- Cabdi Casiis Xasan Cabdi oo isna ay sheegeen Shabaab in uu u shaqaynayay dowlada Federaalka Soomaaliya.