Wararka aan ka heleyno deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegaayn in dagaalyhano ka tirsn l-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku dileen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahan ilaalada Gudoomiyaha degaanka Halgan.
Ilaa Afar ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,sida ay sheegeen dadka deeganka.
Weli Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo waliba Maamulka deeganka Halgan faah faahin dheeraad ah kama bixin weerarka lagu dilay ilaalada gudoomiyaha deegaanka Halgan.
Dhanka kale xiriir ana la sameynay maamulka deeganka Halgan ee Gobolka hiiraan ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino weerarkaas lagu dilay Afarta Askari ee ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya