Mu’asasada Culuunta Diiniga ee Al-Azhar Al-shariif ee Xarunteeda Dhexe ee taalla Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa War kasoo saartay qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
War qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Mu’asasada Culuunta Diiniga ee Al-Azhar ayaa si kulul loogu Cambaareeyay qaraxaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Sidoo kale Qoraalka Mu’asasada Culuunta ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas ay dhibaato kasoo gaartay dad shacab ah oo u dabaal degayay Munaasabadda Ciidul fidriga, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 ruux, halka 20 qof kalena oo u badnaa Caruur ay ku dhaawacmeen.
Mu’asasada ayaa tacsi u dirtay Madaxda dowladda Somalia, kuwa koonfur Galbeed iyo dhamaan Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaas, waxaan kuwii ku dhaawacmay Alle looga baryay inuu Caafimaad Deg deg ah siiyo.