Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee Maanta uu u baaqday fariin ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dareemay khatarta dalka ku socday,isla markaana khilaafka jira uu yahay mid wixii ka yimaada aan la mahdin doonin.
“Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin ayuur yiri Xildhibaanâ€
Xildhibaan Axmed macalin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay weli hortaallo waxka weyn shir lahakiyo sidoo kale lagana doonayo in si daacadnimo ah uu khilaafka jiro xal ugu raadiyo.
Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ah xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari,isla markaana waxa uu sweyn u dhaliilaa hab dhaqanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kjheyre.