Xaalad deganaansho ah ayaa caawa laga dareemayaa Deegaanka Cali waal ee Bariga Gobolka mudug halkaas oo Maanta ay ku wada dagaalameen laba Maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 ruux oo labada dhinac ee wada dagaalamay ah halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.
Wararka aan Caawa heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay iminka tahay mid degan isla markaana weli Maleeshiyadkii dagaalamay ay iskhor fadhiyaan.
Qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa Goobihii lagu dagaalamay ee Deegaanka Cali waal ee Bariga Gobolka mudug ayaa isaga barakacay iyaga oo ka casbi qaba in dushooda lagu dagaalamo isla markaana ay waxyeelo ka soo gaarto.
Weli dagaalkaas kama hadlin dhinacyada Maamulada Puntland iyo Galmudug marka laga reebo waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac oo hadalo xanaf ah Warbaahinta isku mariyay