Maanta oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay gaaraan wufuud kala duwan oo ka qeybgeli doonta Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa shalay gaaray Magalada Garoowe,waxaana sido kale Maanta la filayaa in ay gaaraan xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,kuwaas oo qaarkood lagu tiriyo inay yihiin mucaaradka dowladda federaalka.
Xubnaha Xisbiyada Siyaasadeed ugu cadcad ee Maanta tegaya Garoowe ayaa waxaa lagu kala sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ee UPD iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdiraxmaan Warsame,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka.
Ammaanka Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxana munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ay tahay mid ka duwan kuwii hore,waxaana isku arki doonaa Siyaasiyiin iyo Madax ku kala aragti duwan xaalada Siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba maalinta berito ah oo Sabti ah ayaa la filayaa in Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ay ka dhacdo Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,iyada oo qaban qaabadii u dambeysay ay ka socoto Magalada Garoowe.