Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay khialafka ka dhex jira Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo sababay in Xubnaha Baarlaamanka Soomaaliya ay noqdaan kuwo ku kala aragti dwuan mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.
Wasiir Xoosh oo aan ka mid aheyn Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinkii Jawaari laga gudbiyey waqtigiisa uu ka bilaabanayo markii uu aqbalay mooshinkaas laga keenay.
“Maarso 18keedii Jawari wuxuu aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay. Hadda wuxuu ku doodaa in 10kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay. Laakin wuxuu illoobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golahaâ€
Sidoo kale Wasiir Xoosh ayaa soo qaatay qodob ka mid ah xee hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay sheegeen in uu bur buray mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
“maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31. Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la hor geeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintaanâ€
Sikastaba xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari ayaa weli taagan,waxana Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka uu sheegay in berito kulanka Golaha Shacabka lahorgeyn doono mooshinkaas halka Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaano taageersan ay ku doodayaan in mooshinkii uu jabay,isla markaana ay ka doodi doonaan xiisada ka taagan Balad Xaawo.