Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay xiisada ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari iyo cida sida KMG ahaan xilkaas u heyneysa maadaama gudoomiyaha uu mooshin ka yaallo.
Wasiir Xoosh ayaa sheegay in ku simaha gudoomiyaha  uu yahay ku xigeenka 1aad ee Cabduweli Sheekh Ibraahim kadib dood ka timid cida ku simaha noqoneysa inta uu mooshinka ka yaallo gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
“Sida uu qorayo qodobka 8,aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka,muudeey ayaa ah gudoomiyaha Golaha Shacabka maadaama Jawaari uu mooshin ka yaallo,taasina waa wax iska cad oo hay’addaha dastuuriga ay dhammaan wada ogyihiin ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xooshâ€
Wasiirka DastuurkaC/raxmaan Xoosh Jibriil oo aan ka mid aheyn Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa hadalkiisa waxa uu yimid kadib Saacada ka hor markii gudoomiye ku xigeenka koowaad oo u yeerayay xildhibaanada dalka ka maqan uu sheegay in uu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sikastaba xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyay gudoomiye Jawaari ayaa weli taagan,iyada oo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xoogeysaneyso,waxana dhawaan la filaya in mooshinkaas baarlamaanka lahorgeeyo.