Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Degmada Maxaas.
Cabdi Muumin Cilmi Xiish ayaa loo magacaabay in uu noqdo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Degmdaas.
Sidoo kale Wasiir Caadle ayaa xilkii ka qaaday Khaalid Bashiir Macalin oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Hiiraan,iyadoona loo magacaabay Cali Diiriye Cusmaan.
Wareegtada ayaa waxaa xilkii looga qaaday Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Maxamed Axmed foodcade,waxaana xillkaas loo dhiibay Cusmaan Dhicisow Dhuubow.
Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Goblka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Shiiq Xuseen Cismaan Cali,iyadoona xilkaas uu horey u baneeyay Cabduqaair Arwaax.
Hoos ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista.