Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo duhurnimadii maanta lagu qaaday saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka Ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari Homey ah oo lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,waxana lala beegsaday Saldhig ciidao ka titsan kuwa booliska ku leeyihiijn agagaarka xarunta Wakaaladdii hore ee biyaha,iyada oo inta badan laga maqlay degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga.
Dad ku sugan Afgooye ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen meydadka ilaa 6 Ruux oo qaraxaasi ku geeriyooday iyo dhaawaca in ka badan,welina kama hadlin lamaha amniga Soomaaliya qaraxaasi ismiidaaminta ah.
Dhowr jeer ayaa Saldhiga Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin agagaarka Xarunta Wakaaladdii hore ee biyaha degmad Afgooye lagu weeraray qarax ismiidaamin ah,waxana halkaasi lagu baaraa Gaadiidka iyo Boonooyinka ay wataan.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,iyaga oo Warar ay ku qoreen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ay ku sheegeen in ay ku dileyn in ka badan 15 Askari.