Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro Hoobiyaal ah oo ku dhacay Xaafadaha Isgoyska Baar Ayaan oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta-Nabada ee Magaalada Muqdisho.
Hoobiyayaashaan oo gaarayay ilaa lix ayaa waxa ay ku dhaceyn maqaaxiyo ku yaalla Isgoyska Baar Aayaan oo ay dad Shacab ah ku sugnayeen iyo meelo jidcadaal ah oo aysan cidna joogin,waxana la soo sheegayaa in ay khasaaro geysteen.
Wariyaheena Maxamed Cabdi Xaan iidle oo tegay Goobta ay hoobiyaasha ku soo dhaceyn ee Isgoyska Baar Ayaan ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo Caruur oo badan balse aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay hoobiyayaashaas.
Sidoo kale waxa uu soo sheegay in Caruurta dhaawacantay saddex ka mid ah dhaawacooda uu culus yahay kuwaas oo loola cararay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho si loogu daweeyo.
Wararkii u dambeeyey ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Isgoyska Baar Ayaan ay haatan tahay mid caadi ah oo sideedii hore ku soo laabatay isla markaana ay dib uga laabteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo markii hore Goobta tegay.