Al-Shabaab ayaa duhurnimadii Maanta waxa ay weerar qaraxyo ku bilaawday oo khasaaro geystay ku qaadeen Saldhiga ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka qaraxayda ah kadib ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in dagaal culus oo u dahxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM uu halkaasii ku dhexmaray kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee ku sugan Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Xerada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer ay iska difaaceen.
Dadka ku nool Buulo Mareer oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen Goobo Ganacsi oo ku yaalla Buulo Mareer in kastoo Al-Shabaab warkaasi aysan ka hadlin.
Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay Internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku sheegeen in weerarka qaraxyada ku bilaawday ee Maanta ay ku dileen 59 Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM.