Weli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka socda Shirka Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka,isaga oo galay Maalintiisii Afaraad.
Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada kala ah Puntland,Hirshabeelle,Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland ayaa ku shiraya Guriga Nabadda ee magaalada Kismaayo,waxaana la filayaa in Maanta oo Jimce ah shirka la soo gaba gabeeyo.
Shirkii shalay ayaa qodobadii ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa Arrimo badan,sida Amniga guud ee dalka,Hannaanka qaybsiga Kheyraadka dalka iyo Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada Xubinta ka ah dowladda Soomaaliya.
Maanta ayaa la filayaa in shirkaas oo socday mudo Afar Maalin ah la soo gaba gabeeyo,isla markaana War-murtiyeed laga soo saaro kaas oo ku saabsan qodobadii ay ku heshiiyeen.