Weerarkaan ayaa xalay ka dhacay deegaanka lambar lixdan iyo degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii fariisinka ciidanka dowladda la weeraray.
Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen deegaanka lambar lixdan intaasi kadibna uu bilaawday dagaal labada dhinac ah.
Dhanka kale waxaa jiray weerar kale oo ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Qoryooleey fariisinka ciidanka dowladda waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Ilaa iyo hadda weli lama cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas balse Saraakiisha ciidanka dowladda ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegen in ay iska caabiyeen weeraradii kaga yimid dhanka Al-Shabaab