Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa Caawa fiidkii waxa ay Shaqsi Ganacsade ah ku dileen Xaafada Koodka oo ka tirsan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
In kastoo aan la ogeyn sababta loo dilay ayaa dad ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay waxa ay Dalsan u sheegeen in dilkaas ay ka dambeeyeen dhalinyaro ku hubeysneyd Bustoolado,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.
Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Muuse Mackow,waxana la sheegay in uu ahaa nin ka Ganacsada Khudaarta sida,Muuska iyo Tufaax,isla markaana ciidamada AMISOM uu ka soo qaadan jiray.
Dilka kadib ayaa waxaa Goobta tegay oo howlgal baaritaano ah ka sameeyey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,in kastoo aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Dilalka qorsheysan ayaa mararka qaar ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir,waxana ilaa iyo hadda jirin cid dilalkaas ay dowladda Soomaaliya u soo qabatay,waxna inta badan sheegta Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda iyo Ciidamada AMISOM.