Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax Caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada muqdisho qaraxaas oo ahaA mid xoogiisa laga maqlay inta badan Magaalada muqdisho.
Wararka ay dalsan heleyso ayaa waxa uu sheegayaa in gaari ay ka buuxan waxyaabaha qarxa la dhigay ka soo horjeedka Carwo Alkowther oo u dhow Isgoyska dabka,balse ay Gaarigaas ka shakiyeen dadka goobaha ganacsi ku leh kuwaas oo ciidamada ku wargeliyay.
Ciidamada ayaa xiray ama joojiyay dhaqdhaqaaqii aaga Gaariga uu yaalay,waxana daqiiqado kadib qarxay gaarigaas,waxana la sheegay in khasaaraha uu geestay uu yaraa,iyada oo la sheegay in uu dhaawac fudud ka soo gaaray Saddex ruux.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegaayn in xaaladu iminka tahay mid caadi ah islamarkaana isu socodka dadka iyo Gaadiidka ay sicaadi ah ku soo labteen.