Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxaa haatan ka socda diyaar garoow ku aadan doorashada Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo lagu wado inay 8da bishana halkaasi ka dhacdo.
In ka badan 30 musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland,waxaana qaarkood Maanta la diiwaangeliayay si ay tartanka doorashada uga qeyb galaan.
Xalay ayaa waxaa ku dhawaaqay inay tartanka ka tanaasuleen 6 musharax oo ka mid ahaa musharixiinta Madaxweynaha Puntland,kuwaas oo sheegay inay u tanaasuleen ilaa Saddex musharax oo kale.
Amniga Magalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana wadooyinka qaar ee Xarumaha muhiimka ah la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Waxaa sidoo kale Maanta siweyn looga dareemayaa Magalada Garoowe doorashada la filayo inay dhacdo 8da Bishaan oo laba Cisho ay inaga xigaan.
Maamulka Puntland ayaa feejignaan ka muujinaya in doorashada ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Wasaaradda Amniga Maamulkaas ay soo saartay amar ah inaysan deegaanada Puntland maalmaha doorashada imaan karin Xubno ka socda Dowladda Federaalka.