In ka badan 14 ka mid ah dadkii ay dhawacyadii culus ka soo gaareen qaraxa oo ay ku jiraan labo muwaadin oo u dhashay dalka turkiga ayaa Diyaarada ka timid dalka Turkiga looga qaaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo Gudiga gurmadka deg dega ah ee ay dawladda u xilsaartay qaraxa ayaa Garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay mashaqadii ka dhacday shalay Magaalada Muqdisho.
Guddiga Gurmadka Deg Deg ah ayaa kulan muhiim ah hadda uga socdaa xarunta Gurmadka deg deg ah , iyadoo sidoo kale la filayo in ay Magaalada Muqdisho soo gaarto diyaarad kale oo ka imaan doonto dhanka Dowladda Qadar.
Diyaaradda Turkiga ka timad ayaa sidoo kale Qaadi doonto meydka labo Muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga kana mid ahaa dadkii ku geeriyooday qarixii Shalay Ka dhacay Magaalada Muqdisho.