Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad Ciidanka dowladda.
General Mascuud Maxamed warsame ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka dowladda xoogga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Keyre ayaa kal hore Taliye Mascuud u xil saarey Hogaaminta Guutada 15aad oo Dhawaan la aas aasey.
Sidoo kale General Mascuud Maxamed ayaa waxaa uu ahaa Taliyihii Ciidanka Ahlusunna ee ku biiray dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.