Magaciisa oo dhameystiran Waa Axmed Maxamed Xaaji naynaastiisuna Waa (Axmed Halgan)
Axmed Waxa uu dhashay 1992
Da’diisu waa 24 Sano Jir
Waxa uu kudhashay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Degmada Hodan
Waxa Uu Ku soo Barbaaray Gobalka Hiiraan Gaar ahaan Degmada Halgan Waana halka Ay Kaga Baxday Naaneysta (Axmed Halgan) waxa Uu Ku Dhameystay Wax Barashadiisa ilaa Dugsiga sare isla Degmada Halgan.
Ciyaaryahan Axmed 2006 ilaa iyo 2007 Waxa uu Ka ambabaxay Dalka Soomaaliya isaga oo Ka cararay Dagaaladii Xiligaasi Ka Curtay Dalka Soomaaliya, waxa uuna u ambabaxay Dalka Itoobiya oo Ah Halka uu Kasoo Bilaabay Ciyaarahan.
Ciyaarta Karatayga ama Katmandhuuga waxa uu bilaabay 2011-kii waxa uuna ku sugnaa Magaalada Adis Ababa ee Dalka itoobiya, waxa uu Ka Qeybgalayey 7sano Tartamo Ka dhacay Adis ababa.
Axmed 2 Â Jeer Ayuu noqday Champion ama Xidiga ku guuleystay Koobka Ciyaarahan ee Itoobiya lagu qabto, waxaa uu Ka qeybgalay Tartankii Degmooyinka Magaalada Adis abba.
hadafka Axmed Ee Ku Aadan Ciyaarahaan Ayaa ah In uu Dadka Wax Baro, Axmed Maxamed Xaaji Waa Ciyaaryanka Sidoo kale Waa Macallin u faa’ideeya Dadka Jecel Barashada Karataayga iyo Katmandhuuga, waxa uu Axmed Halgan Ka soo Bilaabay Meel Hoose Karatayga Hadana Waxa uu Ka joogaa heer Qaran.
Halgan Ciyaarahan waxa uu ku jiraa 11 Sano , isaga oo heerka uu taagan yahay kusoo gaaray dadaal badan.
Ugu dambeyn Axmed ayaa 21 ilaa 23 bishan September 2017 Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda uga qeybgali doona Tartanka Ambaasadoorada oo ay ka qaybgali doonaan 7 dal oo Afrikan ah, Kooxaha ayaa noqon doona 19 koox 8 ka mid ah waxa ay ka imaan doonaa Dalka Martigalinaya ee Rwanda halka Kooxaha kale u kala imaan doonaan Soomaaliya 1 koox, Burundi 1 koox, Dr Congo 1 koox, Tanzania 1 koox, Uganda 2 koox iyo Kenya oo 5 Koox ay ka imaan doonto, Axmed Halgan oo kooxda Soomaaliya u ciyaari doona waxaan u rajeyneynaa Guul.