Kadib markii shalay gelinkii dambe diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ay si toos ah uga degtay Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa tallalaabaas ay Kenya ugu fasaxday diyaaradaas Dacwad ka dhan Kenya ay dowladda Soomaaliya u gudbisay QM.
Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay ku xadgudubtay Sharciga Caalamiga ah ee duulista hawada,iyadoona Dacwad u gudbisay Qaramada Midoobey gaar ahaan waaxda duulista Hawadda ee ICAO.
Diyaarad nuuceedu yahay F/50 ayaa shalay ka soo duushay Magaalada Nairobi iyada oo sida Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale diyaaradaas ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Magalada Garoowe ay ka soo qaado Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, si uu uga qeyb galo Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in diyaaradii ka degtay Kismaayo ay isticmaashay shatiga shirkada diyaaradaha Jubba Airways.
Si kastaba dhawaan ayay aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ku amartay diyaaradaha tegaya iyo kuwa ka imaanaya Magaalada Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,hayeeshee Go’aankaas ayaa u muuqda mid la jebiyay.