Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Shuruudaha Xilalka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Musharax kasta oo u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen laga doonayo inay soo buuxiyan 8 shuruudood oo Guddiga ay soo saareen.
Shuuruudaha ay soo saareen Guddiga Doorashada loogana baahan inay fuliyaan Musharaxiinta ayaa waxaa kamid ah in qofkii u tartamaya xilka Guddomiyaha Baarlamaanka Galmudug inuu bixiyo lacag dhan 10,000 oo Dollar, halka ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 5,000 oo dollar.
Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saareen Guddiga Doorashada.