Guddiga qaba-qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Madaxweynaha dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta looga baahan yahay Warqada Codsiga xilka Musharaxnimo iyo mida aqoonsiga (ID ama Baasaboor).
Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ku jira Warqada soo jeedinta Musharaxa iyo Warqada caddeyneysa buuxinta shuruudaha Musharaxnimo, Warqada caddeynta lacag qabashada iyo tan aqbalaada iyo u hoggaansamida natiijada doorashada.
Ugu dambeyn Guddiga doorashada ayaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ku Wargeliyay inay soo dhammeystiraan dhammaan shuruudaha laga rabo, si loo guddoonsiiyo shahaadada Musharaxnimo.
Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa berrito ka bilaabaneysa Magaalada Muqdisho, waxaana doorashada loo qorsheeyay inay dhacdo 15-ka bishaan, iyadoo ay socdaan ololaha doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya.
Hoos ka Akhriso shuruudaha lasoo saaray.