Kulankii 8-aad ee Madasha Tana Forum ee Ammaanka Qaaradda Afrika ayaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalladda Baxar Daar ee Gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia.
Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Ethiopia, Sahle-Work Zewde ayaa soo xirtay Shirkaasi, waxayna xustay in loo baahan yahay in la sii wado La-tashiga iyo Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Gobalka.
Madaxweynihii hore ee dalka Gaana, ahna Guddoomiyaha Guddiga Madasha Tana forum, Jihn Dramani Mahama oo ka jeediyey Doorka Khudbadda ee Shirkaasi waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Nabadda waarta ee Ammaanka Afrika u leedahay guud ahaan Horumarka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in Iskaashiya iyo Wada-xaajoodka asaas guud loo dhigo xal-u-helista Arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna Ergooyinka shirka la wadaagay Istaraatijiyadaha xilliga dheer ee xal loogu heli karo caqabadaha ka taagan Gobalka.
Dhinaca kale, DFS waxaa Kulankaasi uga qeyb galay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wuxuuna la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Gedu Andargachew
Si kastaba ha ahaatee, Shirka Heerka Sare ee Madasha Tana Forum waa Kulan-sannadeed si wadajir ah isugu keena Hoggaamiyayaasha Afrika iyo Daneeyayaasha kale, si ay isugu xiraan, una sahmiyaan Hoggaaminta Afrika ee Xalka Ammaanka.