Wareegto Maanta ka soo baxday Xafiiska Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA waxaa lagu shaaciyay in xubno ka tirsan Hay’adda aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA.
Wareegtada oo lagu baacaday barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in shan xubnood ka tirsan hay’adda ay ka hor yimideen hanaanka shaqo gudasho iyo danaha qaranka,isla markaana aan laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.
“Wareegto maanta kasoo baxday Hey’adda ayaa qeexday in shan xubnood oo ka horyimid hanaanka shaqo gudasho & danaha qaranka, aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA, laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ahâ€yiri warka ka soo baxay NISA.
Sidoo kale NISA ma shaacin magacyada xubnaha la sheegay inasyan u qalmin kasii mid ahaanshaha Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.