War-saxaafadeed ka soo baxay qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka jira ayaa waxaa looga hadlay War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Xisbiyada kala ah Midowga Nabadda & Horumarka “UPD”, Wadajir Party, Ilays, Horusocod Qaran iyo Nabadda ayaa walaac xoogan ka muujiyay War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ee xalay lagu soo xiray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Sidoo kale Xisbiyada ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka waantowdo tallaabooyinka ay ku doneyso inay afduubto Doorashooyinka Galmudug.
Ugu dambeyntii Warka ka soo baxay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa Madaxda Galmudug,Bulshada iyo Waxgaradka loogu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan waxkasto oo caqabad ku ah Galmudug.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiyada.