Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Madaxweynaha Dwlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu isku-shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heynta ku aadan Isku-shaandheyntaas,hayeeshe waxaa barbar socday sidoo kale mooshin la sheegay inay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa dhowr bil ka hor mooshin ka keenay Madaxweyne Waare,hayeeshee kulamo uu Xildhibaanada qaar u la yeeshay ay keentay inay ka laabtaan mooshinkaas.
Hadaba waxaa la isweydiinayaa waxa xilligaan keenay in Madaxweyne waare uu Isku-shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada,hayeeshee jawaabta soo baxday ayaa noqotay in uu meesho ka baxo mooshin la sheegay inay ka wadeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo culeysyada Siyaasadeed ee u mararka qaar kala kulmo.
Xubnaha Golaha Wasiirada ee Isku-shaandheynta lagu sameeyay oo ka kooban 12 Wasiir 14 wasiir kuxigeeno iyo 9 Wasiiru Dowlayaal ayaa waxaa xusid mudan in dhammaantood ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.