Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay ka soo saartay magaalada Niarobi kaga hadashay gabood fallo ay sheegtay in laga geystay gobolka Shabeelaha Hoose.
Gaar ahaan weeraro ka dhacay Gobolka dabayaaqadii bishii Mey 2017, oo ay al-Shabab ku gubeen tuulooyin dad badan oo rayid ahna ay ku afduubteen sida lagu sheegay Warbixinta.
Natisha Pather oo ah cilmi baare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika ooayaa sheegtay dabayaaqadii bishii May ee sanadkan in Shabaab ay weerar ku qaadeen 18 Tuulo oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxa ay sheegtay Mrs. Pather in Ciidanka AMISOM ay qeyb ka yihiin dhinacyada dadka ku xadgudbaya, maadaama ay sheegtay mudo sanado ah in ay diiwaan gelinayeen dil aan loo aaba yeelin oo Ciidanka AMISOM ay u geysteen dad shacab ah.
Shabeellaha Hoose ayaa waxaa weli ka socda dagaalo dhowr weji leh dagaal laba Maleeshiyaad beeleed u dhaxeeya ayaa weli ka socda halka Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Amisom ay iyana dhankooda ku hardamayan taas oo waxyeelo ay ka soo gaarto dadka Shacabka eek u nool Shbeellaha Hoose.