Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa weli ka socda shirka Madaxda dowlad Goboleedyada kaas oo qaatay waqti ka badan xiligii loogu talo galay.
Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirkaas la soo gaba gabeeyo balse waxaa jira qodobada qaar oo Xubnaha dowlad Goboleedyada ay isku fahmi waayeen balse waxaa la filayaa in Maanta la soo gaba gabeeyo.
Heshiisyo hordhac ah oo ay Dalsan heshay isla markaana Warmurtiyeed ahaan loo soo saari doono ayaa waxaa ka mid ah.
1:-In la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
2:-In mdashaas ay xal ka qaarto hadii uu khilaaf soo kala dhexgalo Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
3:-In qodobadii ay ka soo saareen Shirka Magaalada Kismaayo ay dib ugu soo celiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay yimaadaan Gudaha Magaalada Muqdisho.
Iyo qodobo kale oo aan weli la shaacin.
Shalay gelinkii dambe ayaa muran ka dhex jiray Madaxda dowlada goboleedyada ayaa waxa ay xoogaa nasasho u aadeen deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo kaas oo Saxaafada ay dibad joog ka aheyd.
Maanta ayaa ugu dambeyn la filayaa in shirkaas la soo gaba gabeeyo isla markaana Warmurtiyeed laga soo saaro.