Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dooddii ay axsaabta mucaaradka ah ka qabeen guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
Shir ballaadhan oo ay xarunta madaxtooyada ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mida axsaabta mucaaradka ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad buuxa.
Heshiiskaan ayaa soo afjaraya khilaafkii qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka sidoo kalena ay xisbiyada mucaaradka aha kusoo buuxinayaan labadii xubnood ee ka dhinaa guddida cusub ee doorashooyinka si ay gudida doorashooyinka ee hada xilka hayaa u gutaan waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah.
Dhinaca kalana xubnihii hore ee gudida doorashooyinku ay noqon doonaan xubno farsamo ahaan iyo khibrad ahaan u kaabi doona gudida doorashooyinka,waxaana Heshiiska uu meesha ka saarayaa khilaafkii ragaadiyay doorashada.
Halkaan Ka Akhriso Heshiiska