Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta la filayaa in uu ka furmo kulanka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,iyada oo uu hortegi doono Wasiirka DastuurkaSoomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil.
Dhawaan ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay u yeereen Wasiir Xoosh iyaga oo Maanta la filayo in ay wax ka weeydiiyaan hadal qoraal ah oo uu dhawaan soo dhigay Bartiisa Twitterka,ee uu uga horyimid Go’aankii  Xildhibaanadu ku laaleen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada 8 Kursi oo ka tirsan  Golaha Shacabka.
Su’aalo dhowr ah oo ay weeydiiyaan  Wasiir Xoosh ayaa la filayaa in uu uga jawaabo,waxaana xusid mudan in kulankii shalay ee Baarlamaanka uu hortegay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.
Amaanka Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay,waxana wadooyinkaas lagu arkayaa ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo amniga xaqiijinaya.