Maanta ayaa la filayaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ay ku kulmaan Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,iyada oo kulankooda ay uga doodi doonaan Xubno dhowr ah.
Kulanka Maanta ayaa waxaa ka mid ah Qodobada looga hadli doono Go’aankii ay horay Maxkamada sare ay ku laashay ilaa 8 Xildhibaan kadib markii muran la geliyay islamarkana ay amartay in dib loogu laabto doorashadooda.
Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeelan doona arinta ku aadan muranka ka dhashay doorashada 8 mudane,kadib markii dhowr jeer ay Dacwad Maxkamada Sare u gudbiyeen dad sheegay in kuraastoodii looga qaatay si musuq maasuq ah.
Sidoo kale Ajandooyin kale ayay Xildhibaanadu Maanta ka doodi doonaan,waxaana aad loo adkeeyay amniga Wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.