Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kaas oo ay uga hadli doonaan arimo dhowr ah.
Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin Dib u eegista Miisaaniyada Sanada 2017,oo horyaala Baarlamaanka Soomaaliya waxaana wax laga weeydiin doonaa xubno ka socda Wasaaarda Maaliyada Soomaaliya.
Aqrinta ka dib ayaa Xildhibaanada waxa ay guda galayaan dood ku saabsan Miisaaniyada Dowladda ee Sanada 2017,da iyada oo Xildhibaanada ay aragtidooda ka dhiiban doonaan Miisaaniyada oo ay horay Xildhibaanadu si KMG ah u ansixiyeen.
Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka socda Xarunta golaha Shacabka waxaana xubnaha horyaala Ajandayaal dhowr ah oo u baahan in ay ansixiyaan.