Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da bisha April 2019, waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ayaa ah, Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in maanta uu jiro kulanka Golaha Shacabka,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.
Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka kulankiisa koowaad iyo midka labaad ayaa waxaa uu u baaqday Kooran la’aan,kadib markii kulamadaas ay soo xaadi waayeen Xildhibaanada.