Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta oo Arbaco waxaa lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan Xldhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona ka doodi doona Ajendayaal dhowr ah.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay jiritaanka kulanka, isla markaana waxaa la faray inay soo xaadiran fadhiga Golaha si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla.
Qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in Ajendayaasha kulanka Maanta ay kala yihiin, U Codeynta Wax Ka Badelka Sharciga Iibka Qaranka, u Codeynta wax ka Badelka Sharciga Furdooyinka iyo Akhrinta 3aad ee H/Sh Jaangoynta & Tayo Dhawrka.
Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa,waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.