Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa waxaa lagu wadaa inay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay U Codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo U codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu kulan jiro, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan si dardargeliyo Ajendayaasha horyaalla Baarlamaanka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii lasoo dhaafay ee todobaadkan waxaa lagu waday inay yeeshaan kualan, hayeeshee waxaa uu baaqay, waxaana Xildhibaanada xiligaas loo soo diray saddex fariin oo kala duwan.