Waxaa Maanta oo sabti ah oo lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Kulankooda 13-aad ay ku yeeshaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah labo qodob oo kala ah
- Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dakhliga
- Akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha
Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa,waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Maanta.