Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Shirka Golaha wasiirada  Koonfur galbeed.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galey wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedaralka soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kala Duwan ,
Shirka aya waxaa inta badan looga hadley Arrimaha siyaaasada ,Dhaqaalaha, Amniga , Biyo Yarida ka jirta deeganada KGS Â iyo qodobo kale .
Kulanka oo wakhti badan qaatey aya markii uu soo cidlaadey waxa warbahinta si wada jir ah ula Hadley Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Iyo Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaraha soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha soomaaliya Mudane Abdullahi Haamud ayaa ka hadaley ka qeyb galka shirka waxana uu sheegey in Xafiiska Ra’iisul wasaraha uu kala shaqeynaayo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Afarta tubood ee Soomaaliyeed dhaaman Dowlad Goboleedyada kale la gaarsiin doonota Afrta tobood.
Shirka Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya aya waxa uu ku soo aadeyaa Xili Wasiirada cusub Dhamaantooda si rasmi ah ula wareegeen Xilalkooda.