Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kuxigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay waxa ay hoyga uu Magaalada Muqdisho  ka degan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ee Sheekh Shariif.
Madaxda maamulka Hirshabeelle iyo Sheekh Shariif ayaa waxa ay wada qaateen kulan gaar ah oo looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo horumada ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo arrimo kale.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ee Sheekh Shariif ayaa Madaxda Hirshabeelle ku sheegay in dhawaan uu booqasho ku tegi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulkaasi.
Sheekh Shariif oo Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya dhawaan soo gaaray ayaa waxaa uu ka wadaa kulamo uu la qaadanayo Mas’uuliyiin kala duwan oo ku sugan Magaalada.